Salaam Caleeykom!

 

Waxaan rabaa in aan halkaan idinku soo dhaweeyo oo aan Adeega  indinla diyaar

noqdey ku soo bandhigo.

 

Waxaan deggannahay aniga iyo Ninkeeyga iyo Caruurteenaba Magaalada Kiel la yiraahdo ee

kutaala Waddanka Jarmalka Gobolkiisa Schleswig-Holstein loo yaqaano ee Denemark

Xuduud la leh.

 

Kiel Waa magaalo caan ku ah Adeega wacan ee dadka Jarmal u soo dalxiis taga ay mar walba la dhacaan.

Magaalada waxaa ay leedahay Xeeb Dekad leh oo isku xirta Wadamada Skandinaviyanka loo yaqaano iyo ku wa Ruushka Xuduudka la leh ee Baltic loo yaqaano.

 

Waxaa Kiel Subax walba ku soo xirta Doomo iyo Maraakiib waayeen oo Oslo oo Magaala Madaxda Norwey ah iyo , Göteborg oo Magaalada labaad ee Swiden ah, ka kala yimaada. Waxaa kale ee ay Kiel Caan ku tahay Xilliga Qoraxda ee ay Reer Yurub Kuleeylaha ka faa´ideeystaan in ay Ku soo xirtaan Doomo Waaweey oo Dad fara badan oo Aduunka oo dhan ka kala yimaada la socdaan.

 

Waa Magaalo lagu yaqaano in Dad badan ay u soo doontaan Dawo iyo Daryeel wacan. Waxaa Magaalda ku yaala Cisbitaalo Heer Jamacadeed ah oo Dhakhaatiirta ka shaqaysa ay Magac weyn ku leeyihiin Bahda Caafimaadka Aduunka. Dad fara badan ayaa waxa ay Qaliimo uga soo safraan Wadamada Khaliijka oo markaa ku qanca Adeega Caafimaad ee ay Kiel ka helaan.

 

Kambanigeena oo isugu Jira Adeegyo ku qanciya ayaa waxaan diyaar kula nahay in aan Kiel kugu soo dhaweeyno. Haddii ay noqon lahayd meel aad seexatid ama Gaadiid lagu socdo amaba in laguu noqdo Turjumaan aad ku kalsoonaan kartid oo Afka Jarmalka Aqoon fiican u leh waxaan diyaar u nahay in aan Booqashadaada ka dhigno mid Xusuus lama ilaawaan ah kugu reebta.

 

Waxa kaliya lagaa doonayo waa in aad na soo wacdid oo aad Waqti munaasab ah Safarkaaga horay noogu soo sheegtid iyo in aad noo sii sheegtit inta Maalmood ee aad ugu soo talo gashay in aad Kiel joogtid.

Turjumaanka keliya ee Waqooyiga Jarmal laga helo.

 

 

 

Ilaa tan iyo Sanadkii 2004 waxaan Waqooyiga Waddanka Jarmalka ka ahay Turjumaan

lagu kalsoon yahay oo Afka Jarmalka si wacan ugu hadla.

 

Hayadaha aan u shaqeeyo waxaa ka mid ah Maxkamadaha, Booliska, Cisbitaalada,

Heyadaha Samafalka, Wakaaladda Qaxootiga qaabilsan, Xeerilaaliyeyaasha iyo

kuwo kale oo fara badan.

 

Haddaad rabtid in aad nagu soo booqatid Magaaladeena quruxda badan ee Kiel,

oo ay dani kaa soo gasho, waxaan diyaar kula nahay Adeeg gu farax geliya. Turjumaankaaga waa diyaar.

 

Cunto Macaan!

 

Haddaan nahay Soomaali waxaan jecel nahay Cuntada Macaan ee sida Sare loo diyaarshay. In kasta oo aan ognahay in Wadamada Reer Galbeedka aan Cunto Fresh ah laga helin ee waxa yaala Badankood ay yihiin kuwo Qaboojiyaha ku daahay, haddana Xirfadda aan Soomaali kala imid darteed ayaan waxaan idiin ballan qaadayaa inta aad nala joogtaan in aan idiin diyaarsho Cunto Macaan oo aad Soomaaliya ku soo Xasuusataan.

 

Hertzstrasse 112 | 24149 Kiel | e-Mail:mukhtaar@freenet.de | Mobil: 0163 - 883 45 26 | Tel.: 0431 - 200 77 68